DFS oo ku dhawaaqday in bilaha soo socda dhalinyaro badan shaqo abuur loo sameynayo

Dowladda Soomaaliya ayaa awood siisay in ka badan 1,000 dhalinyaro ah, iyada oo labaray xirfado ganacsi oo fure u noqday fursado shaqo-abuur iyo isku-filnaansho.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay munaasabadda qalin-jabinta dhalinyarada ka faa’iideysatay Barnaamijka Dhaqaalaha loo Dhan yahay ee Baxnaano, kaas oo qayb weyn ka qaatay kobcinta xirfadaha ganacsi iyo dhiirrigelinta isku-filnaanshaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabadda qalin-jabinta ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Dan-Qaran, xildhibaano labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

Masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay ku leedahay horumarinta dhalinyarada iyo natiijada la taaban karo ee ka dhalatay mashruuca Baxnaano.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Yusuf Mohamed ayaa ugu dambeyn hambalyo u diray dhalinyarada qalin-jabisay, isaga oo xusay in bilaha soo socda la qorsheynayo in xirfado shaqo lagu abuuro in ka badan 40,000 dhalinyaro ah si loo sii xoojiyo dadaallada lagu yaraynayo shaqo la’aanta iyo saboolnimada dalka.

Barnaamijka Baxnaano ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunku ku doonayaan in lagu horumariyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, lana xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles