Israa’iil oo weerar ku ekeysay Qasa maanta

Israa’iil ayaa duqeymo cirka ah ka geysatay koonfurta Qasa, iyadoo ku eedaysay Xamaas weerarro “xad-gudub kas ah oo xabbad-joojinta ah”.

Afhayeen u hadlay militariga ayaa sheegay in Xamaas ay fulisay “weerarro badan oo ka dhan ah ciidamada Israa’iil oo ka baxsan xarriiqda jaallaha” – taas oo ay sheegeen in ay tahay aagga ay ciidamada Israa’iil ka baxeen si waafaqsan wejiga koowaad ee heshiiska uu gar-wadeenka ka ahaa Mareykanka.

Xamaas ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xabbad joojinta waxayna ku eedeeyeen Israa’iil inay jebisay dhowr jeer.

Heshiiska – oo qayb ka ah qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Qasa ee laba sano jirsaday – waxa uu dhaqan galay 10kii Oktoobar, waxaana wejigiisa koowaad uu sababay in la sii daayo la haystayaashii Israa’iil iyo maxaabiis Falastiiniyiin ah.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles