Maleeshiyo ka tirsan AS oo lagu dilay Galgaduud

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaano hoostaga magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceelahelay iyo tuulooyin kale oo ku dhow Ceelgaras, waxaana lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro kale lagu dhaawacay.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyey in la dhaawacay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa aagga Ceelgaras, taas oo lagu tilmaamay guul weyn oo ciidamada ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadkii Al-Shabaab ay isku dayeen inay iska caabiyaan ciidamada, balse markii dambe ay si ba’an uga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin ku dhow Ceelgaras, iyadoo lagu wado in la sii ballaariyo si Al-Shabaab looga saaro guud ahaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan gobolka Galgaduud.

Taliska ciidamada Galmudug ayaa sheegay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dagaalka guud ee looga xoreynayo gobollada dhexe ee dalka kooxaha argagixisada ah, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa deegaannadaasi laga sugo ammaan buuxa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles