MW Xasan Sheekh oo la shiraya saaxibadiisa kula jira Xisbiga iyo Kulanka Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir wadatashi isugu yeeray hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koofur Galbeed oo ay xisbi yihiin.

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha siyaasadeed ee ku saabsan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn ajendaha Shirka, haddana wararka ayaa sheegaya in shirka looga wadahadli doono qorshaha uu Madaxweynaha Soomaaliya markale uu ku tagayo magaalada Kismaayo, kaas oo lagu wado inuu dhaco maalmaha soo socda.

Safarkan, oo noqon doona midka labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago magaalada Kismaayo, ayaa la rumeysan yahay inuu ujeedadiisu tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo xal u noqda khilaafka ka taagan Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa horey ula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, balse shirkii hore waxa uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan,

Wararka ayaa sheegaya in rajo wanaagsan laga qabo inay markan heshiiyaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe kaasi oo la sheegay in dowladda dhexe ay siin doonto aqoonsi labo sano ah taas bedelkeedana uu xukuumadda kala shaqayn doono qabashada doorashada golaha deegaanka ee qof iyo codka ah.

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa kaalin weyn ka qaadanaya inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe kala shaqaynayaan inay heshiis gaaraan si loo helo xasilooni siyaasadeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles