Maleeshiyo ka tirsan AS oo lagu dilay Galgaduud

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa xalay howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaano hoostaga magaalada Ceelgaras ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Ceelahelay iyo tuulooyin kale oo ku dhow Ceelgaras, waxaana lagu dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro kale lagu dhaawacay.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyey in la dhaawacay horjoogihii Al-Shabaab u qaabilsanaa aagga Ceelgaras, taas oo lagu tilmaamay guul weyn oo ciidamada ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyaadkii Al-Shabaab ay isku dayeen inay iska caabiyaan ciidamada, balse markii dambe ay si ba’an uga carareen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka ayaa weli ka socda tuulooyin ku dhow Ceelgaras, iyadoo lagu wado in la sii ballaariyo si Al-Shabaab looga saaro guud ahaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan gobolka Galgaduud.

Taliska ciidamada Galmudug ayaa sheegay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dagaalka guud ee looga xoreynayo gobollada dhexe ee dalka kooxaha argagixisada ah, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa deegaannadaasi laga sugo ammaan buuxa.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles