MW Xasan Sheekh oo la shiraya saaxibadiisa kula jira Xisbiga iyo Kulanka Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir wadatashi isugu yeeray hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Hirshabeelle, Galmudug, iyo Koofur Galbeed oo ay xisbi yihiin.

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha siyaasadeed ee ku saabsan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn ajendaha Shirka, haddana wararka ayaa sheegaya in shirka looga wadahadli doono qorshaha uu Madaxweynaha Soomaaliya markale uu ku tagayo magaalada Kismaayo, kaas oo lagu wado inuu dhaco maalmaha soo socda.

Safarkan, oo noqon doona midka labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago magaalada Kismaayo, ayaa la rumeysan yahay inuu ujeedadiisu tahay in la helo heshiis siyaasadeed oo xal u noqda khilaafka ka taagan Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa horey ula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, balse shirkii hore waxa uu ku soo dhammaaday natiijo la’aan,

Wararka ayaa sheegaya in rajo wanaagsan laga qabo inay markan heshiiyaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe kaasi oo la sheegay in dowladda dhexe ay siin doonto aqoonsi labo sano ah taas bedelkeedana uu xukuumadda kala shaqayn doono qabashada doorashada golaha deegaanka ee qof iyo codka ah.

Dowladaha Itoobiya iyo Kenya ayaa kaalin weyn ka qaadanaya inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe kala shaqaynayaan inay heshiis gaaraan si loo helo xasilooni siyaasadeed.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles