Itoobiya oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn inay dagaal la gasho Eritrea

Ambassador Dina Mufti, oo ah xubin ka tirsan guddiga joogtada ah ee xiriirka arrimaha dibadda iyo amniga ee golaha shacabka, ahna guddoomiyaha kooxda iskaashiga baarlamaanka Itoobiya iyo Midowga Yurub oo la hadlay BBC ayaa sheegay in dagaal lala galo Eritrea aysan dani ugu jirin dowladda iyo shacabka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in aysan jirin rabitaan ama aysan Itoobiya diyaar u ahayn dagaal inkastoo xiriir iyo “dhaqdhaqaaq sharci darro ah” ee socda ay sii kordhinayaan colaadda.

Arrinta ku saabsan in Itoobiya ay hesho bad ayaa weli ah dhibaato ka taagan geeskaAfrika sannadihii u dambeeyay iyo ajande caalami ah oo ku wajahan waddamada deriska ah.

Danjire Dina ayaa sheegay in deked la’aanta ay caqabad ku tahay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in dadaallada nabadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed ee lagu gaarayo arrintan ay sii socon doonaan maadaama marinka badda uu sidoo kale muhiim u yahay mustaqbalka dalka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles