Hogaamiyaha xoogagga RSF ee Sudan oo jeediyay digniin cabsi badan abuurtay

Hoggaamiyaha Ciiddanka Degdegga ah ee Sudan, Jeneral Mohammed Hamdan Dagalo (Hemiti), ayaa ka digay in Ciidamadiisu ay weerari doonaan Diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ka imaanaya dalalka deriska ah.

Wargeyska Sudan Tribune ayaa sheegay in ay beegsanayaan diyaaradaha dagaalka iyo kuwa aan duuliyaha lahayn ee ka soo duulaya dalalka dariska la ah Suudaan si ay u weeraraan ciidamadooda.

“Diyaarad kasta oo ka soo kacsa dal kasta oo dariska ah si ay sahay u keento, weerarto, ama na disho waa mid halis inagu ah. ayuu yiri.

Hemiti ayaa ku eedeeyay ciidamada Suudaan inay geysteen “xasuuq”. Waxa uu intaa ku daray in ciidamadu ay “isku dayayaan in ay dadka ka tirtiraan dhulka” iyagoo rabshado isir ku salaysan ka wada gobollada Darfur iyo Kordofan.

Ciidamada gurmadka degdega ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay weeraro is xig-xigay oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka ka fuliyeen deegaanada ay maamulaan. Weerarada ayaa lagu bartilmaameedsaday fariisimo ciidan iyo dad shacab ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles