Mareykanka oo bilaabay qorshe cafis loogu fidinayo maleeshiyaadka Qaza ee hubka dhiga

Dowladda Mareykanka ayaa billowday qorshe cusub oo ay ku dooneyso in ay ka dhisto Marinka Gaza xarumo ‘dib u heshiisiin, taas oo dagaalyahannada ogolaanaysa in ay hubkooda dhiibaan fursad loo siiyo cafis iyo in ay si badbaado leh ugu laabtaan nolosha rayidka.

Si taas loo gaaro, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Khamiistii tagay Israa’iil si uu u fuliyo qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee marinka Gaza, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Imaatinka Rubio ayaa daba socda ka tegitaanka madaxweyne ku xigeenka JD Vance, iyadoo saraakiisha sarsare ee Aqalka Cad, oo uu ku jiro wiilka uu soddogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner, ay soo gabagabeeyeen booqashooyinkooda dalka.

Dhammaantood waxa ay ka qayb qaadanayaan dadaallada lagu doonayo in lagu joogteeyo xabbad-joojin 13 maalmood ah oo u dhaxaysa Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, laba sano ka dib dagaal ruxay Bariga Dhexe.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta guul laga gaaro heshiiskii Qaza, isagoo ugu baaqay Xamaas iyo Xarakada Jihaad Islaami in ay dagaalka joojiyaan oo ay hubka dhigaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles