Saturday, November 1, 2025

Trump oo sheegay in ‘heshiis nabadeed oo weyn’ lagu saxiixi doono Malaysia

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa hadda ka soo degay diyaarada Air Force One ka dib markii uu gaaray garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Anwar Ibrahim.

Waxaa uu gacan qaaday wasiirro iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Malaysia oo halkaas ku soo dhaweeyey.

Trump ayaa Malaysia u gaaray si goob joog ugu noqdo saxiixa heshiis nabadeed oo ay wada gaaraan dalalka Thailand iyo Cambodia ka dib dagaalkii xadka ee dhexmaray bishii Luulyo.

Mr Trump ayaa ku tilmaamay “heshiis nabadeed oo weyn oo uu ku faanay inuu dhexdhexaadinayey.”

Sidoo madaxwene Trump waxa uu ka qayb gelayaa shirka madaxda Ururka Koonfur Bari Aasiya (ASEAN), iyo sidoo kale wadahadal uu la yeellanayo hoggaamiyaha Shiinaha, Xi Jinping, halkaas oo ay labadooduba uga qayb gelayaan shirka iskaashiga dhaqaalaha ee Asia-Pacific (APEC). Mr. Trump waxa kale oo uu booqan doonaa Japan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 31 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan sheikh oo kulan la Qaatay Madaxdii hore ee Dalka, kaddib ka qayb galkii Munaasabadda Xuska 25-guurada Shirweynihii Carta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Hay’adaha gargaarka Suudaan oo ka walaacsan tirada dadka ka barakacaya El-Fasher

Hay’adaha gargaarka ee Suudaan ayaa sheegay inay ka walaacsan...

QM oo baaq u dirtay dowladda iyo mudaharadayaasha Tanzania

Qaramada Midoobeey ayaa ugu baaqday ciidamada ammaanka Tansaaniya in...

Masar iyo Eritrea oo ka wadahadlay arrimaha Soomaaliya

Madaxweynaha Eritariya, Isaayaas Afewerki ayaa Khamiistii u duulay magaalada...

Qaramada Midoobay oo cambaareysay waxa ka socda Sudan

Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles