Al-shabaab iyo ciidamada ammaanka oo xalay ku dagaalamay degmada Kaxda

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday kontorool ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin duleedka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa dhacay inta u dhexeysa Qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracade, oo ku yaalla koonfurta degmada Kaxda.

Goobtaasi waxaa ku dagaallamay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si guul leh uga hortageen weerarka ay maleeshiyaadku damacsanaayeen, islamarkaana ay fashiliyeen qorshe ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay hoobiyaal ku soo weeraraan gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu socday muddo kooban, balse uu sababay cabsi iyo firxadka dadkii ku dhowaa goobta. Ilo amni ayaa sheegaya in aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Saraakiisha ciidamada Haramcad ayaa tilmaamay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyagoo ku adkeeyay in laamaha ammaanku ay ka go’an tahay inay ka hortagaan isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga caasimadda Muqdisho.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles