Al-shabaab iyo ciidamada ammaanka oo xalay ku dagaalamay degmada Kaxda

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday kontorool ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin duleedka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Dagaalka ayaa dhacay inta u dhexeysa Qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracade, oo ku yaalla koonfurta degmada Kaxda.

Goobtaasi waxaa ku dagaallamay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday. Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si guul leh uga hortageen weerarka ay maleeshiyaadku damacsanaayeen, islamarkaana ay fashiliyeen qorshe ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay hoobiyaal ku soo weeraraan gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in dagaalka uu socday muddo kooban, balse uu sababay cabsi iyo firxadka dadkii ku dhowaa goobta. Ilo amni ayaa sheegaya in aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.

Saraakiisha ciidamada Haramcad ayaa tilmaamay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyagoo ku adkeeyay in laamaha ammaanku ay ka go’an tahay inay ka hortagaan isku day kasta oo lagu carqaladeynayo amniga caasimadda Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles