Dilalka ku saleysan Aano qabiil oo ka dhacay Galgaduud iyo Faahfaahin dheeri ah

Dilalka ka dhaca deegaanada Galgaduud, gaar ahaan kuwa salka ku haya anooyinka qabiilka, ayaa noqday dhibaato sii kordhaysa.

Waxa la sheegay in maleeshiyaad hubeysan oo ka soo jeeda degmada Balanbale ay dilaan aabe iyo wiil, Cabdulahi Maxamed Lugtii Jiic iyo wiilkiisa Baashi Cabdulahi Maxamed Lugtii Jiic, deegaan lagu magacaabo Labi Kooraale.

Kadib dhacdadan, maleeshiyaad kale oo ka soo jeeda degmada Guriceel ayaa weerar ka fuliyeen deegaanada hoos taga Balanbale, inkasta oo aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay.

Xaaladani waxay muujinaysaa in dilalka ku saleysan qabiilka ay noqdeen kuwo ka sii daraaya gudaha Galgaduud iyo Mudug.

Waxaa sidoo kale muuqata in maamulka Galmudug iyo maamulada kale ee deegaanka ay ku fashilmeen qaadashada tallaabooyin waxtar leh oo lagu joojinayo xasilooni darrada.

Odayaasha dhaqanka iyo hoggaamiyeyaasha bulshada ma aysan qaadin tallaabooyin muuqda oo lagu daminayo dagaalka qabiilka, taasoo sii xumeynaysa xaaladda amni ee gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles