MW Deni oo kulan la qaatay Siyaasiyiinta G/Mudug iyo Bulshada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay madaxtooyada Garowe kulan kula qaatay isimada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta gobolka Mudug, kaas oo looga hadlay amniga iyo horumarinta gobolkaas.

Isimada Mudug oo hoggaaminayay Islaan Bashiir Islaam Cabdulle ayaa madaxweynaha la wadaagay xaaladda amniga ee gobolkaas oo ay qayb ka tahay aanaysiga qabiilka.

Sidoo kale Madaxweynaha waxaa lala wadaagay hindise ay wadeen ganacsato reer Puntland ah, kaas oo ah in ay dayactir iyo maalgelin ku sameeyaan garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu balanqaaday in dowladdu qorshe cad ka qaadanayso amniga magaalada Gaalkacyo, dhawaana la arki doono, isagoo dhanka kale soo dhaweeyay hindisaha ganacsatada ee maalgelinta garoonka Gaalkacyo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles