Friday, June 26, 2026

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in ciidamo cusub oo Boolis ah ay la wareegi doonaan amniga Garoowe

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay in saacadaha soo socda ay ciidamo cusub oo boolis ah si rasmi ah ula wareegi doonaan guud ahaan amniga caasimadda Puntland ee Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ciidankan cusub oo si gaar ah loo tababaray ay door muuqda ka qaadan doonaan hagaajinta iyo tayeynta nidaamka amniga magaalada, kaddib markii mararka qaar la dhaliilay qaabka amni ee hore u jiray.

“Ciidankan waa kuwo si gaar ah loo soo xulay, loo tababaray, islamarkaana leh aqoon iyo xirfad sare. Waxaa laga filayaa inay wax weyn ka beddelaan sugidda amniga caasimadda,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha ayaa shacabka magaalada Garowe ugu baaqay inay soo dhaweeyaan ciidanka cusub oo ay la shaqeeyaan, si wadajir loogu adkeeyo nabadda iyo xasilloonida magaalada.

Ciidankan cusub ayaa tababar adag oo muddo bilo ah socday ku qaatay kulliyadda ciidanka ee Carmo, halkaas oo bishii Oktoobar lagu soo xiray tababarkooda. Waxay ka kooban yihiin dhalinyaro aqoon leh oo ay ku jiraan saraakiil iyo xubno heer jaamacadeed gaarsiisan, kuwaas oo lagu qalabeeyay xirfado iyo aqoon la xiriirta ilaalinta amniga iyo adeegga bulshada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay in qorshahan cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga caasimadda iyo guud ahaan gobollada Puntland, iyadoo la adeegsanayo ciidan tayo leh oo si hufan u shaqeeya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kheyre”Xasan Sheekh ayaa amray xarigga iyo Xukunka Sacdiyo Bajaaj”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

Maxkamadda G/Banaadir oo 3 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun saddex sano oo...

Xasan Sheekh oo lagu Cadaadinayo inuu soo Bandhigo heshiiskii doorashooyinka Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu...

Pakistan oo Wafdi Diblomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya si loo sii daayo Muwaadiniin la Haysto

Dowladda Pakistan ayaa wafdi diblomaasiyadeed ka soo dirtay dalka...

RW Xamse iyo Qoorqoor oo la Filayo inay shaaciyaan heshiis ku saabsan Doorashada Galmudug

R/Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles