Hooyo iyo caruurteeda oo dil iyo dhaawac loogu geystay Gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa xaqiijinaya in Allaha u naxariistee Hooyo Madiino Jimcaale Wehliye caawa lagu dilay inta u dhaxeysa deegaanada Xinlabi iyo Seego, kaddib markii maleeshiyaad hubeysan ay rasaas ku fureen gaari ay la socotay.

Weerarka lagu dilay marxuumadda ayaa sidoo kale ku dhaawacmay wiil ay dhashay, sida ay xaqiijiyeen ehelkeeda oo sheegay in dhaawaca la geeyay xarun caafimaad oo ku taalla deegaankaasi.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dilkan uu salku ku hayo aano qabiil oo ka dhalatay dil dhawaan ka dhacay gobolka Galgaduud, taas oo muujinaysa in xiisadaha qabaa’ilka ee labada gobol ay mar kale cirka isku shareereen.

Bilihii iyo toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa si isa soo taraysa uga dhacay gobollada Mudug iyo Galgaduud dilal isdaba joog ah oo la xiriira aargoosi iyo aanooyin beeleed, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, islamarkaana wiiqay amniga guud ee deegaannadaas.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee maamulka Galmudug ama hay’adaha maamulka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles