Soomaaliya iyo Sudan oo ka wadahadlay dagaalka ka socda El-Fasher

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa wasaaradda ee magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Suudaanu fadhiya Soomaaliya, Abdulrahman Khalil Ahmed Abker Afendi, waxayna ka wada hadleen siyaabaha loo xoojin karo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, sida ku xusan qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha ugu waaweyn ee saameynaya Suudaan, oo ay ku jiraan colaadda iyo rabshadaha ka socda magaalada El-Fasher, halkaas oo gargaarka bini’aadantinimo aad loo xaddiday, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay arrimo badan oo xuquuqda aadanaha ah.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca bini’aadantinimada, amniga iyo siyaasadda ee dalka Suudaan, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta rayidka iyo xaqiijinta in gargaarku uu gaaro dadka u baahan.

“Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Suudaan, isagoo carabka ku adkeeyay in xal nabadeed iyo mid siyaasadeed ay muhiim tahay si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo ammaanka dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles