Wasaaradda Duulista maamulka Soomaaliland oo shaacisay in aanay hawada deegaannada maamulkaas soo geli karin diyaarad aan fasax ka haysan

Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadayso diyaaradaha amar la’aan ku isticmaala hawadeeda, kuwaasi oo ku xadgudbaya amniga Somaliland.

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda duulista, ayaa lagu sheegay in diyaaradaha ganacsigu aanay ogolaansho la’aan ku soo geli karin hawada , iyada go’aankan hirgalayo 10 bishan November 2025.

Somaliland”Diyaarad aan oggolaansho naga haysan hawadeena ma soo geli karto”

Qoraalka wasaarada ka soo baxay ayaa u qornaa sidan;-

Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in aanay hawada dalka soo geli karin diyaarad aan fasax ka haysan.

 

Wasaaradda Duulistu waxa kaloo ay soo bandhigtay nidaamka iyo waxyaabaha looga baahan yahay diyaaradaha kala duwan.

Sidaasna waxa ay Wasaaradda Duulistu kaga warrantay warmurtiyeed ay soo saartay oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, oo u qornaa sidan:-

“Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo saartay amar cusub oo dhaqan gelaya 10-ka bishan Noofambar 2025, kaas oo jidaynaya islamarkaana faraya dhammaan diyaaradaha rayidka ah, kuwa ganacsiga, jidwalka qorshaysan ku yimaada iyo kuwa aan jadwalka lahayn inay helaan ogolaansho hore ka hor inta aanay soo gelin gelin ama marin hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

Go’aankan oo waafaqsan Heshiiskii Chicago ee 1944kii, waxa uu bayaaminayaa madaxbannaanida buuxda ee Somaliland ay ku leedahay dhulkeeda, baddeeda iyo hawadeedaba.

Waxyaabaha ku jira awaamiirta cusub ee Wasaaradda Duulistu soo saartay waxa ka mid ah:

In la hubiyo amniga iyo nidaamka duulista, iyadoo la dabacayo heerarka Hay’adda ICAO.

In la xoojiyo maareynta taraafikada hawada, saadaasha iyo macluumaadka duulista.

In la hagaajiyo gurmadka degdegga ah, farsamada degitaanka iyo hawlaha garoomada Hargeysa iyo Berbera.

Wasaaradda Duulistu waxay digniin ka bixisay in duulimaad kasta oo ogolaansho la’aan gala hawada Somaliland uu noqonayo mid jabinaya qaranimada JSL, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay ka go’an tahay duulista ammaan ah iyo wada-shaqayn caalami ah oo ay la yeelanayso shirkadaha diyaaradaha iyo dalalka diyaaradahoodu yimaadaan Jamhuuriyadda Somaliland.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles