Soomaaliya iyo Sudan oo ka wadahadlay dagaalka ka socda El-Fasher

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Cali Maxamed Cumar ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa wasaaradda ee magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Jamhuuriyadda Suudaanu fadhiya Soomaaliya, Abdulrahman Khalil Ahmed Abker Afendi, waxayna ka wada hadleen siyaabaha loo xoojin karo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, sida ku xusan qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha ugu waaweyn ee saameynaya Suudaan, oo ay ku jiraan colaadda iyo rabshadaha ka socda magaalada El-Fasher, halkaas oo gargaarka bini’aadantinimo aad loo xaddiday, iyagoo sidoo kale ka wada hadlay arrimo badan oo xuquuqda aadanaha ah.

Dhinacyadan ayaa sidoo kale dib u eegis ku sameeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinaca bini’aadantinimada, amniga iyo siyaasadda ee dalka Suudaan, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta rayidka iyo xaqiijinta in gargaarku uu gaaro dadka u baahan.

“Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay taageereyso midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Suudaan, isagoo carabka ku adkeeyay in xal nabadeed iyo mid siyaasadeed ay muhiim tahay si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo ammaanka dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles