Pakistan ciidan ma u diri doontaa Gaza? Afhayeenka ciidamada Pakistan Axmed Shariif oo arrintan wax laga weydiiyay ayaa ku jawaabay in arrintan ay ku xirantahay dowladda gaar ahaan qaabkii ciidamadaas loo diri lahaa.
Waxaa xusid mudan in ay socoto dood xaga warbaahinta oo la xirriirta in Pakistan ay ciidamo u diri doonto Gaza, taas oo qeyb ka ah heshiiska nabadda iyo in kale
Qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ee madaxweynaha Mareykanka Trump wuxuu ugu baaqayaa wadamada Carabta iyo saaxiibada caalamiga ah inay soo saaraan ciidamo lagu xasiliyo Gaza kuwaas oo “tababari doona oo taageeri doona booliiska Falastiiniyiinta ee Gaza, iyagoo la tashanaya Jordan iyo Masar, kuwaas oo khibrad weyn u leh arrintan”.


