Weerar lagu qaaday markab ganacsi oo marayay xeebaha Muqdisho iyo Cabsi xooggan oo ka dhalatay

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday markab ganacsi oo marayay xeebta Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kadib markii ay isku dayeen inay fuulaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu dhacay subaxnimadii Isniinta, markabkuna uu ku sugnaa qiyaastii 534 kiiloomitir (332 mayl badeed) bari ka xigta magaalada Muqdisho, xilli afar qof oo aan la aqoonsan ay ku soo dhowaadeen doon yar, kuna fureen rasaas dhinaca markabka.

Hay’adda Howlaha Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa xaqiijisay in kabtanka markabka uu soo sheegay isku day burcad-badeednimo, balse weerarka uu fashilmay markii la qaaday rasaas digniin ah iyo tallaabooyin isdifaac ah oo ay qaadeen ciidanka amniga ee markabka la socday.

Burcad-badeedda ayaa lagu arkay iyagoo dib ugu laabanaya doon weyn oo ku sugnayd qiyaastii shan mayl bari ka xigta goobta uu weerarku ka dhacay, sida ay sheegeen saraakiisha badaha.

Sida ay qortay Reuters, koox khataraha badda ka baarta oo lagu magacaabo Vanguard Maritime Risk Management ayaa xaqiijisay in markabka la weeraray uu ahaa Stolt Sagaland, oo wata calanka Cayman Islands, isla markaana ah markab siday kiimikooyin.
Vanguard iyo ilo kale oo amniga badda ah ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay si dhaqso leh u kordhiyeen xawaaraha, una adeegsadeen xeelado ka-hortag ah, taasoo keentay in weerarka la fashiliyo iyadoo aan waxyeello iyo dhaawac toona dhicin.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 25 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Taliyaha Booliska Nigeria “Nabad la’aanta Soomaaliya waxay saameyneysaa Nigeria”

Taliyaha Cutubka Booliska Nigeria ee howlgalka Midowga Afrika ee...

Ciidamada Kenya oo ka hortagay weerar Al-Shabaab ay ka geysteen xuduudda Soomaaliya

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo roondo ka waday deegaanka...

Xasan Sheekh, Xamse iyo Mahad oo xalay kulan yeeshay iyo go’aan laga gaaray Doorashada Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay kulan uu...

RW Xamsa oo ku wajahan Qatar iyo Soomaaliya oo Dooxa ka dalbanaysa taageero dheeraad ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo...

Guddoomiye Jaamac oo si kulul uga hadlay muranka dhulalka Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa si...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles