Weerar lagu qaaday markab ganacsi oo marayay xeebaha Muqdisho iyo Cabsi xooggan oo ka dhalatay

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday markab ganacsi oo marayay xeebta Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kadib markii ay isku dayeen inay fuulaan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu dhacay subaxnimadii Isniinta, markabkuna uu ku sugnaa qiyaastii 534 kiiloomitir (332 mayl badeed) bari ka xigta magaalada Muqdisho, xilli afar qof oo aan la aqoonsan ay ku soo dhowaadeen doon yar, kuna fureen rasaas dhinaca markabka.

Hay’adda Howlaha Badda ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO) ayaa xaqiijisay in kabtanka markabka uu soo sheegay isku day burcad-badeednimo, balse weerarka uu fashilmay markii la qaaday rasaas digniin ah iyo tallaabooyin isdifaac ah oo ay qaadeen ciidanka amniga ee markabka la socday.

Burcad-badeedda ayaa lagu arkay iyagoo dib ugu laabanaya doon weyn oo ku sugnayd qiyaastii shan mayl bari ka xigta goobta uu weerarku ka dhacay, sida ay sheegeen saraakiisha badaha.

Sida ay qortay Reuters, koox khataraha badda ka baarta oo lagu magacaabo Vanguard Maritime Risk Management ayaa xaqiijisay in markabka la weeraray uu ahaa Stolt Sagaland, oo wata calanka Cayman Islands, isla markaana ah markab siday kiimikooyin.
Vanguard iyo ilo kale oo amniga badda ah ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay si dhaqso leh u kordhiyeen xawaaraha, una adeegsadeen xeelado ka-hortag ah, taasoo keentay in weerarka la fashiliyo iyadoo aan waxyeello iyo dhaawac toona dhicin.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles