Saturday, July 4, 2026

Booliska Canada oo xiray nin cadaan ah oo weeraray qoys Soomaaliyeed

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Edmonton ayaa isugu yimid kulan deg deg ah kadib weerar nin caddaan ah uu ku qaaday rasaasna huwiyay qoys Soomaali ah oo daris la ahaa.

Ninka ayaa la sheegay inuu deris la ahaa qoyska uuna ka dhaxeeyay derbiga guriga, rasaas ayuu dhowr jeer derbiga kasoo dusiyay taasoo cabsi ku abuurtay hooyada iyo carruurteeda.

Haweeneyda Soomaalida ah oo sababo ammaan dartood aan dooneyn in magaceeda la shaaciyo ayaa sheegtay inay cunno u diyaarineysay ilmaheeda markii ay maqashay dhawaqa rasaasta dhowr jeer.

Kulanka bulshada Soomaalida ee Edmonton kadib ayaa weriye Durraan Xasan Yare wuxuu arrinta ka waraystay Ahmed-yaasiin Jaamac Cabdulqadir oo ka mid ahaa qaban-qaabiyeyaashii kulanka sidoo kalana ehel la ah qoyska dhibaatada loo gaystay

WARARKII KALE

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne xasan sheekh oo ka Tacsiyeeyay Geerida Imaam Maxamed Yusuf Cali

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Talyaaniga?

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fartaag...

Sheekh Shariif oo ka tacsiyeeyay geerida Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

MW Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda Talyaaniga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada...

Imaamkii beesha Mudullood oo ku geeriyooday Hindiya

Waxaa dalka Hindiya ku geeriyooday Alle ha u naxariistee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles