XFS oo sheegtay in isbedelka Cimilada ay Soomaaliya si weyn u saameysay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano guurada Heshiiska Paris, kaas oo diiradda lagu saaray la dagaallanka isbeddelka cimilada (NDCs) iyo maalgelinta la xiriirta.

Kulanka oo qeyb ka ahaa Shirka Madaxda Adduunka ee COP30, kaas oo ka socda magaalada Belem ee dalka Brazil, ayaa waxaa uu halkaas ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Soomaaliya ay hormuud u noqotay dadaallada isbeddelka cimilada, iyada oo sanadkan gudbisay NDC 3.0 oo ah mid heer caalami ah oo la jaanqaadaya yoolalka heshiiska Paris.

Mudane Saalax, ayaa xusay sida ay uga go’an tahay hirgelinta Qorshaha Maaligalinta NDC 2025–2035, si loo mideeyo cududda maalgashiga dowladda, midka gaarka loo leeyahay iyo deeqaha caalamiga ah, isaga oo ugu baaqay saaxiibbada caalamka in ay ka taageeraan Soomaaliya wax ka qabashada isbeddelka cimilada adduunka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles