Monday, December 29, 2025

XFS oo sheegtay in isbedelka Cimilada ay Soomaaliya si weyn u saameysay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad ka jeediyay kulan lagu xusayay 10 sano guurada Heshiiska Paris, kaas oo diiradda lagu saaray la dagaallanka isbeddelka cimilada (NDCs) iyo maalgelinta la xiriirta.

Kulanka oo qeyb ka ahaa Shirka Madaxda Adduunka ee COP30, kaas oo ka socda magaalada Belem ee dalka Brazil, ayaa waxaa uu halkaas ka sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Soomaaliya ay hormuud u noqotay dadaallada isbeddelka cimilada, iyada oo sanadkan gudbisay NDC 3.0 oo ah mid heer caalami ah oo la jaanqaadaya yoolalka heshiiska Paris.

Mudane Saalax, ayaa xusay sida ay uga go’an tahay hirgelinta Qorshaha Maaligalinta NDC 2025–2035, si loo mideeyo cududda maalgashiga dowladda, midka gaarka loo leeyahay iyo deeqaha caalamiga ah, isaga oo ugu baaqay saaxiibbada caalamka in ay ka taageeraan Soomaaliya wax ka qabashada isbeddelka cimilada adduunka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo cambaareeyay go’aankii gardarada ahaa ee Israa’iil

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali...

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Gobollada Waqooyi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku...

MW Xasan Sheekh oo si adag ugu horyimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad...

Baarlamaanka oo ansixiyay qaraar loogu hortagayo xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Senator Dubbe oo iska casilay kursiga xubinimo ee Aqal sare

Senator Cismaan Abukor Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles