Madaxweyne Xasan iyo wafdi Wasiiro ah oo saaka u ambabaxay dalka Aljeeriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow ka ambabaxay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Algiers ee caasimadda dalka Aljeeriya, halkaas oo uu madaxweynuhu ku tegayo booqasho rasmi ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta, iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo ay ka mid yihiin:

• Wasiirka Difaaca

• Wasiirka Macdanta iyo Batroolka

• Wasiirka Xanaanada Xoolaha

• Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cabdisalaan Cali Dhaay

Inta uu joogo magaalada Algiers, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa Madaxweynaha Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, iyo madax kale oo sare, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan iskaashiga gobolka iyo midka caalamiga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles