Wednesday, October 22, 2025

Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Xubnaha Soomaaliya ku meteli doono Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kuwaas oo ay shalay doorteen Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo kulanka furay ayaa ugu horeyn Xildhibaanadda ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda cusub ee loo doortay, waxa uuna sheegay in umadda Soomaaliyeed ay ka sugeyso wax qabad muuqda iyo matalaad dhab ah.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga ayaa Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka dalka uga mahadceliyay sida kalsoonida leh ee ay ugu doorteen in ay Soomaaliya ku metelaan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda cusub ee Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika kula dardaarmay mas’uuliyadda ka saaran in ay si dhab ah qaranka Soomaaliyeed ugu matalaan Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika, maadaama dadka Soomaaliyeed ay ka sugayaan waxqabad muuqda iyo in ay ka shaqeeyaan danaha qaranka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 22 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

WHO oo ka dayrisay xaalada caafimaad ee Qaza

Madaxa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ayaa sheegay in Qaza...

Fadhigii Golaha Shacabka oo markale kooram la’aan u baaqday

Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa...

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ah ku dilay degmada Wanla-weyn ee G/Sh/Hoose

Maleeshiyaad hubeysan ayaa saaka dad shacab ah ku dilay...

Al-shabaab oo xalay dagaal ku qaaday Xudur iyo xubno lagu dilay dagaalka

Maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku...

Dibadbaxayaal weeraray booliiska dalka Ireland

Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles