AFRICOM oo duqeymo ka fulisay Jubbada Hoose

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in isaga oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya uu duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeymaha laga fuliyay nawaaxiga Welmaro, oo qiyaastii 40 KM galbeed kaga beegan Jilib, iyo nawaaxiga Cali Faarax, oo ku yaalla ku dhowaad 90 KM waqooyi-bari kaga beegan Jilib.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in duqeymaha lagu gaaray ujeeddadii laga lahaa, isla markaana uu jiro khasaare ka dhashay howlgalka, balse ma uusan shaacin tirada dadka lagu bartilmaameedsaday ama khasaaraha faahfaahintiisa.

AFRICOM ayaa tilmaantay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada ay wadajir u wadaan Mareykanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa taageeraya ay wadaan howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee qeybo ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Xasan Sheekh oo warqadaha Danjirnimo ka guddoomay Safiirrada Turkiga iyo Midowga Yurub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka...

Wafdiga waan-waanta wada oo la kulmay A/Madoobe

Wafdi qeyb ka ah dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed...

Turkiga oo si weyn ugu dhex milmay colaadda siyaasadeed ee Soomaaliya

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa warbixin ay ka qortay...

Uganda iyo Midowga Yurub oo ka wadahadlay arrinta AUSSOM

Dowladda Uganda ayaa Midowga Yurub kala hadashay mustaqbalka howlgalka...

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida

Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles