Saturday, March 22, 2025

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo qaabilay danjiraha Finland

Agaasimaha guud ee uay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Finland u fadhiya Soomaaliya danjire Pirkka Tapiola iyo ku xigeenkiisa marwo Elli Mikkola.

Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadceliyay Dowladda Finland taageerada ay ku bixiso horumarinta kaabayaasha HSJ, isagoo si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Danjiraha Finland Pirkka Tapiola ayaa balan qaaday in Finland ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. Isaga oo intaas ku daray in Soomaaliya dhawaan ay imaanayaan wafdi ka socda Waaxda Socdaalka ee Finland si ay u sii xoojiyaan wada shaqeynta labada hay’adood.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo degmada Cadala kula kulmay odayaasha dhaqanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeenkii 2-aad ku...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 21/03/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa” Xukuumadeydu waxay u guuri doontaa jiida hore ee dagaalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

DFS oo soo dhaweysay guusha ay gaareen ciidamada Milatariga Sudan

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysey guusha ay gaareen Ciidamada...

Taliye Sahal oo abaabul dagaal ka wada Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan...

NISA oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay Sabiid iyo Caanoole

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles