Wednesday, March 4, 2026

Agaasimaha NISA Mahad Salaad oo Isbedel ku sameeyay Talisyada Amniga Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa sameeyay isbeddello culus oo ku saabsan qaar kamid ah talisyada hay’adda, taasoo si gaar ah u taabaneysa talisyada muhiimka ah sida Gobolka Banaadir, Garoonka Aadan Cadde, iyo Taliska Ilaalada Shacabka.

Isbeddelladan ayaa imaanaya xilli uu Agaasimaha NISA dib u soo celinayo saraakiil uu si dhow ula soo shaqeeyay intii uu xafiiska joogay labadii sano ee la soo dhaafay.

Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:-

Kaaliyaha Agaasimaha NISA: Waxaa loo magacaabay Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere)

Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir: Waxaa xilka laga qaaday Cabdifitaax Shaweey, waxaana lagu beddelay Liibaan Axmed Gacameey

Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde: Cabdulqaadir Xaayow ayaa xilka laga qaaday, waxaana dib loogu soo celiyay Hamdi Xasan, oo horey u soo qabatay xilkan

Taliyaha Ilaalada Shacabka ee loo yaqaano (Dharcada) Waxaa xilka laga qaaday Ibraahim Hiraabe , waxaana loo magacaabay Macallin Salaax, oo horey u soo qabtay xilkan.

Tallaabadan ayaa loo arkaa in Agaasimaha NISA uu kalsooni ku qabo shaqsiyaadka cusub iyo kuwa dib loo soo celiyay, waxaana Isbeddelladan ay imaanayaan xili uu dalka ku jiro marxalad siyaasadeed oo cakiran iyo dagaalka maleeshiyaadka Al-shabaab oo weli socda.

Waxaa la filayaa in isbeddelladan ay wax ka beddeli doonaan habka ay u shaqeyso NISA, iyadoo diiradda la saarayo sugidda ammaanka garoomada, shacabka, iyo guud ahaan Gobolka Banaadir.

Waxaa Sidoo kale suurtagal in isbadel uu taliyeyaal badan uu sameyn doono.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles