Monday, August 17, 2026

Soomaaliya iyo Algeria oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Cali Xaaji Aadam oo ku sugan magaalada Tunis ee dalka Tunisia, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa Algeria, Wasiirka Caafimaadka,  Abdelhak Saihi, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska wasaarada.

Kulankan oo qeyb ka ah shirarka heer caalami ee lagu xoojinayo iskaashiga dalalka ku bahoobay Midowga Afrika, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhinaca caafimaadka ee Soomaaliya iyo Algeria.

Sidoo kale, wasiirradu waxay isku afgarteen in la abuuro fursado tababar iyo aqoon-kororsi oo loo fidiyo xirfadlayaasha caafimaadka ee Soomaaliyeed, Algeria ayaa ballan qaaday inay la wadaagi doonto Soomaaliya khibradaha iyo aqoonta sare ee ay u leedahay horumarinta adeegyada caafimaadka.

Wasiirrada waxay isku raaceen in khibradaha la wadaago si wax looga qabto cudurrada faafa, gaar ahaan kuwa ka dhasha xaaladaha deg degga ah iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Kulanka, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ku ammaanay dowladda Algeria kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta iskaashiga caalamiga ah, Waxaa uu tilmaamay in iskaashigan uu door weyn ka qaadan doono horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles