Monday, August 17, 2026

Maxaa looga hadlay kulanka Axmed Madoobe iyo Beesha Caalamka?

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa wada-hadallo khadka telefoonka ah la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Intii lagu jiray wada-hadalladaasi, Madaxweynaha iyo Wakiillada Beesha Caalamka waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah la iskugu yimaado madal loo dhan yahay, si go’aan looga gaaro arrimaha hortabinta leh ee ay ka mid yihiin Dastuurka, Doorashooyinka, iyo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa uga mahadceliyay Beesha Caalamka taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa imaanaya xili Xubnaha Beesha Caalamka kol sii horeysay ay kulamo la qaateen Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Sidoo kale kulamadan ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xili dowladda Soomaaliya ay wado in ay qabato shir ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta mucaaradka, hoggaanka ururada Siyaasadda iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Beesha Caalamka ayaa bilaabay in ay caddaadis saaraan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles