Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa sameeyay isbeddello culus oo ku saabsan qaar kamid ah talisyada hay’adda, taasoo si gaar ah u taabaneysa talisyada muhiimka ah sida Gobolka Banaadir, Garoonka Aadan Cadde, iyo Taliska Ilaalada Shacabka.
Isbeddelladan ayaa imaanaya xilli uu Agaasimaha NISA dib u soo celinayo saraakiil uu si dhow ula soo shaqeeyay intii uu xafiiska joogay labadii sano ee la soo dhaafay.
Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:-
Kaaliyaha Agaasimaha NISA: Waxaa loo magacaabay Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere)
Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir: Waxaa xilka laga qaaday Cabdifitaax Shaweey, waxaana lagu beddelay Liibaan Axmed Gacameey
Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde: Cabdulqaadir Xaayow ayaa xilka laga qaaday, waxaana dib loogu soo celiyay Hamdi Xasan, oo horey u soo qabatay xilkan
Taliyaha Ilaalada Shacabka ee loo yaqaano (Dharcada) Waxaa xilka laga qaaday Ibraahim Hiraabe , waxaana loo magacaabay Macallin Salaax, oo horey u soo qabtay xilkan.
Tallaabadan ayaa loo arkaa in Agaasimaha NISA uu kalsooni ku qabo shaqsiyaadka cusub iyo kuwa dib loo soo celiyay, waxaana Isbeddelladan ay imaanayaan xili uu dalka ku jiro marxalad siyaasadeed oo cakiran iyo dagaalka maleeshiyaadka Al-shabaab oo weli socda.
Waxaa la filayaa in isbeddelladan ay wax ka beddeli doonaan habka ay u shaqeyso NISA, iyadoo diiradda la saarayo sugidda ammaanka garoomada, shacabka, iyo guud ahaan Gobolka Banaadir.
Waxaa Sidoo kale suurtagal in isbadel uu taliyeyaal badan uu sameyn doono.