Sunday, December 28, 2025

Agaasimihii isbitaalka Benaadir oo xilka laga qaaday

Warqad ka soo baxday wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday agaasimaha guud ee isbitaalka Banaadir iyadoo agaasime cusubna loo magaacabay.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa loo magacaabay Cabdirisaaq Shafir Cali.

Wasiirka caafimaadku wuxuu isbeddelkan ku sheegtay in “isbeddeladu qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo dareyeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed”

Tallaabadan ayaa timi ka dib markii dhacdo argaggax leh xalay ka dhacday afafka hore ee Isbitaalka iyadoo muuqaal la duubay uu muujiyey hooyo Soomaali ah oo ku hor foolanaysa isbitaalka Hooyada iyo Dallaanka ee Banaadir, oo sida muuqatay aanan helin daryeel degdeg ah oo caafimaad.

Arrintan waa mid murugo leh isla markaana ka hor imanaysa ka jawaabidda gargaarka degdegga ah ee adeegyada hooyada iyo dhalaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda.

“Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka, Dr Cali Xaaji Adam, isagoo ka duuaya mas’uuliyadda ka saran ilaalinta hooyada iyo dhallaanka, wuxuu amray baaritaan degdeg ah oo ku saabsan dhacdadan si loo xaqiijiyo sida ay wax u dhaceen”, ayaa intaas la raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles