Xog cusub oo ka soo korortay markab lagu qabsaday xeebaha Soomaaliya

Sida ay bayaan ay sii daayeen ku sheegay howlgalka ATALANTA, ee caalamiga kana howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay “inay xoreeyeen markabka ganacsiga ee shidaalka qaada HELLAS APHRODITE, oo wata calanka Malta.”

Shaqaalaha markabka oo ka koobnaa 24 qof ayaaa bayaanka ATALANTA, lagu sheegay inay badqabaan .

“Intii uu dhacdadu socday, shaqaaluhu waxay ku sugnaayeen qaybta amniga ee markabka iyagoo si toos ah ula xiriiray ciidamada ATALANTA,” ayuu intaas ku daray bayaanku.

Kooxda qabsatay markabka ayaa la sheegay inay isaga deggeen markaba ka dib markii uu ku dhawaaday markabka dagaal ee la yiraahdo ESPS VICTORIA, oo laga leeyahay dalka Spain kaas oo ay dushiisa saarnaayeen diyaaro nooca helikobtarka, diyaarado an duuliye lahayn kuwo sahaminta ah iyo sidoo kale ciidamo gaar ah oo ka qayb qaatay howlgalka lagu xoreeyay markabka.

Ragga hubaysan oo lagu sheegay inay yihiin burcad baddeed ayaa marka weeray subaxnimadii 6-da Noofambar, markaas oo markabka lagu weeraray qiyaastii 700 mayl-badeed u jirta magaalada Muqdisho. Markii ay hawlgalka ATALANTA heleen digniinta, ciidamada badda iyo cirka ayaa si degdeg ah loo hawlgeliyay si ay u fuliyaan tallaabooyin degdeg ah oo wax ku ool ah.

WARARKII KALE

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles