Sunday, March 8, 2026

Agaasimihii isbitaalka Benaadir oo xilka laga qaaday

Warqad ka soo baxday wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa lagu sheegay in xilkii laga qaaday agaasimaha guud ee isbitaalka Banaadir iyadoo agaasime cusubna loo magaacabay.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa loo magacaabay Cabdirisaaq Shafir Cali.

Wasiirka caafimaadku wuxuu isbeddelkan ku sheegtay in “isbeddeladu qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo dareyeelka caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed”

Tallaabadan ayaa timi ka dib markii dhacdo argaggax leh xalay ka dhacday afafka hore ee Isbitaalka iyadoo muuqaal la duubay uu muujiyey hooyo Soomaali ah oo ku hor foolanaysa isbitaalka Hooyada iyo Dallaanka ee Banaadir, oo sida muuqatay aanan helin daryeel degdeg ah oo caafimaad.

Arrintan waa mid murugo leh isla markaana ka hor imanaysa ka jawaabidda gargaarka degdegga ah ee adeegyada hooyada iyo dhalaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wasaaradda.

“Wasiirka caafimaadka dowladda federaalka, Dr Cali Xaaji Adam, isagoo ka duuaya mas’uuliyadda ka saran ilaalinta hooyada iyo dhallaanka, wuxuu amray baaritaan degdeg ah oo ku saabsan dhacdadan si loo xaqiijiyo sida ay wax u dhaceen”, ayaa intaas la raaciyay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Bariga Africa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

RW Xamsa oo xariga ka jaray xarunta ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee amniga Isgaarsiinta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Tanzania

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si heer sare ah...

Masar iyo Mareykanka oo ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika

Sida ay baahisay Egypt today wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles