Friday, October 24, 2025

AKHRISO:-Soomaaliya oo 90% batroolka iyo Gaaska u saxiixday Turkiga iyo dood ka dhalatay

Heshiiskii qarsoodi ah oo u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, ayaa waxaa banaanka u soo baxay  qodobo dareen dhalinaya kadib markii nuqul ay heshay shabakadda caalamiga ah ee Nordic Monitor. Heshiiskan oo lagu sheegay inuu dhacay sannadkii hore, ayaa laga helay qodobo muujinaya in dalka Soomaaliya si weyn uga dhiman doono faa’iidada ka dhalan karta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro biyaha baddeeda.

Warbixintu waxay sheegaysaa in kaydka shidaalka badda Soomaaliya lagu qiyaasay ilaa 30 bilyan oo fuusto oo shidaal ah iyo 6 bilyan oo mitir kuyuubik oo gaas dabiici ah, sida ku cad xogaha heshiiska. Hase yeeshee, waxa la yaab leh in 90% faa’iidada ka soo baxda sahminta iyo soo saarista khayraadkaasi loo ogolaaday dawladda Turkiga, halka dowladda Soomaaliya lagu koobay 5% oo kaliya, taas oo ah khidmad sahlan oo aan la jaanqaadi karin baaxadda khayraadka la sheegay.

Qodobbada kale ee heshiiska ayaa waxaa ka mid ah:-

Turkiga ayaa heysta awoodda kaliya ee dhoofinta shidaalka Soomaaliya, iyadoo aan dowladda Soomaaliya wax door ah ku lahayn go’aamada ganacsi ee la xiriira khayraadkeeda dabiiciga ah.

Haddii khilaaf dhaco, dacwadda waxa qaadaysa maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, iyadoo Soomaaliya laga mamnuucay inay dacwad ka furato maxkamad dalkeeda ah.

Ciidamada ilaalinaya goobaha shidaalka waxay ahaan doonaan kuwa Turkiga ah, taas oo meesha ka saaraysa fursadihii shaqo ee ciidamada Soomaaliya heli lahaayeen.

Xogta kale ee walaaca abuureysa  ayaa ah in heshiiskaasi ay ansixiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo aan si dhab ah u arkin qodobbada ku jira, kuwaas oo hadda u soo baxay si dadweynuhu u arko.

Heshiiskan ayaa dhalin kara su’aalo culus oo ku saabsan madax-bannaanida Soomaaliya, ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo sida ay dowladda ugu xilsaaran tahay ilaalinta danaha shacabka.

Waxaa la filayaa in arrintani ay noqon doonto mid xasaasi ah oo laga doodo gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo ay jiraan baaqyo isa soo taraya oo dalbanaya in dib loo eego heshiiska, lana helo hufnaan iyo daahfurnaan dhabta ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 10 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Shiinaha oo meel mariyay qorshe cusub oo isku filnaansho dhanka tiknooloojiyadda ah

Shiinaha ayaa meelmariyay qorshe shan sano ah oo cusub...

Hogaamiyaha xoogagga RSF ee Sudan oo jeediyay digniin cabsi badan abuurtay

Hoggaamiyaha Ciiddanka Degdegga ah ee Sudan, Jeneral Mohammed Hamdan...

Shirka Golaha Wasiirada Jubaland oo looga hadlay diyaargarowga doorashooyinka golayaasha deegaanka ee degmooyinka Jubaland

Madaxweynaha Dowladd goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey darajooyinka loo asteeyey Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo shuruuc kale oo muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha...

Itoobiya oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn inay dagaal la gasho Eritrea

Ambassador Dina Mufti, oo ah xubin ka tirsan guddiga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles