Faah faahin ka soo baxaysa weerar dalxiisayaal lagu laayay oo ka dhacay dalka Hindiya

Ugu yaraan labaatameeyo qof ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen koox dalxiisayaal oo booqanayay goob qurux badan oo ku taal Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, sida ay mas’uuliyiintu u sheegeen Warbaahinta.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Pahalgam, oo ah magaalo qurux badan oo ku taal buuraha Himalayas oo inta badan lagu tilmaamo “Switzerland-ta Hindiya”.

Madaxa gobolkaas, Cumar Cabdallah, ayaa sheegay in weerarku uu ” aad uga weynaa weeraradii ay arki jireen oo si toos ah loogu beegsan jiray rayidka sanadihii la soo dhaafay”. Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo qaarkood ay xaaladoodu liidato.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxa Midowga Yurub Ursula Von der Leyen ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha caalamka ee cambaareeyay weerarka.

“Warar murugo leh ayaa ka soo baxaya Kashmir. Mareykanka wuxuu si adag u garab taaganyahay Hindiya ka hortagga argagixisada,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

Von der Leyen ayaa weerarka Kashmiir ku tilmaantay “weerar argagaxiso oo xun”, halka Putin uu diray “tacsi ” kuna tilmaamay falkaan “dambi arxan darro ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi – oo soo gaabiyay safar uu ku joogay Sacuudi Carabiya ka dib weerarka – ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay “la horkeeni doono sharciga”.

“Go’aankayaga ku aaddan la dagaalanka argagixisanimada waa mid aan la badeli karin, wuun sii xoogaysanayaa,” Modi ayaa sidaasi ku daabacay barta, X.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin waxaa ka socday kacdoono tan iyo sannadkii 1989-kii, inkastoo sannadihii u dambeeyay ay sii yaraanayeen rabshaduhu.

XIGASHO BBC

WARARKII KALE

Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac...

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

Khilaafka Uganda iyo Turkiga oo lala xiriirinayo mustaqbalka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Warbaahinta fadhigeedu yahay Turkiga ee Middle East Eye (MEE)...

Baydhabo: Xubno looga shakisan yahay qaraxii lala eegtay Taliyaha Booliiska oo la qabtay

Laamaha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay gacanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles