Faah faahin ka soo baxaysa weerar dalxiisayaal lagu laayay oo ka dhacay dalka Hindiya

Ugu yaraan labaatameeyo qof ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen koox dalxiisayaal oo booqanayay goob qurux badan oo ku taal Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, sida ay mas’uuliyiintu u sheegeen Warbaahinta.

Weerarka ayaa ka dhacay magaalada Pahalgam, oo ah magaalo qurux badan oo ku taal buuraha Himalayas oo inta badan lagu tilmaamo “Switzerland-ta Hindiya”.

Madaxa gobolkaas, Cumar Cabdallah, ayaa sheegay in weerarku uu ” aad uga weynaa weeraradii ay arki jireen oo si toos ah loogu beegsan jiray rayidka sanadihii la soo dhaafay”. Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo qaarkood ay xaaladoodu liidato.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo madaxa Midowga Yurub Ursula Von der Leyen ayaa ka mid ah hoggaamiyayaasha caalamka ee cambaareeyay weerarka.

“Warar murugo leh ayaa ka soo baxaya Kashmir. Mareykanka wuxuu si adag u garab taaganyahay Hindiya ka hortagga argagixisada,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social.

Von der Leyen ayaa weerarka Kashmiir ku tilmaantay “weerar argagaxiso oo xun”, halka Putin uu diray “tacsi ” kuna tilmaamay falkaan “dambi arxan darro ah”.

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi – oo soo gaabiyay safar uu ku joogay Sacuudi Carabiya ka dib weerarka – ayaa sheegay in kuwii ka dambeeyay “la horkeeni doono sharciga”.

“Go’aankayaga ku aaddan la dagaalanka argagixisanimada waa mid aan la badeli karin, wuun sii xoogaysanayaa,” Modi ayaa sidaasi ku daabacay barta, X.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Gobolka ay Muslimiinta ku badan yihiin waxaa ka socday kacdoono tan iyo sannadkii 1989-kii, inkastoo sannadihii u dambeeyay ay sii yaraanayeen rabshaduhu.

XIGASHO BBC

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles