AKHRISO:-Soomaaliya oo 90% batroolka iyo Gaaska u saxiixday Turkiga iyo dood ka dhalatay

Heshiiskii qarsoodi ah oo u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, ayaa waxaa banaanka u soo baxay  qodobo dareen dhalinaya kadib markii nuqul ay heshay shabakadda caalamiga ah ee Nordic Monitor. Heshiiskan oo lagu sheegay inuu dhacay sannadkii hore, ayaa laga helay qodobo muujinaya in dalka Soomaaliya si weyn uga dhiman doono faa’iidada ka dhalan karta shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro biyaha baddeeda.

Warbixintu waxay sheegaysaa in kaydka shidaalka badda Soomaaliya lagu qiyaasay ilaa 30 bilyan oo fuusto oo shidaal ah iyo 6 bilyan oo mitir kuyuubik oo gaas dabiici ah, sida ku cad xogaha heshiiska. Hase yeeshee, waxa la yaab leh in 90% faa’iidada ka soo baxda sahminta iyo soo saarista khayraadkaasi loo ogolaaday dawladda Turkiga, halka dowladda Soomaaliya lagu koobay 5% oo kaliya, taas oo ah khidmad sahlan oo aan la jaanqaadi karin baaxadda khayraadka la sheegay.

Qodobbada kale ee heshiiska ayaa waxaa ka mid ah:-

Turkiga ayaa heysta awoodda kaliya ee dhoofinta shidaalka Soomaaliya, iyadoo aan dowladda Soomaaliya wax door ah ku lahayn go’aamada ganacsi ee la xiriira khayraadkeeda dabiiciga ah.

Haddii khilaaf dhaco, dacwadda waxa qaadaysa maxkamad ku taalla magaalada Istanbul, iyadoo Soomaaliya laga mamnuucay inay dacwad ka furato maxkamad dalkeeda ah.

Ciidamada ilaalinaya goobaha shidaalka waxay ahaan doonaan kuwa Turkiga ah, taas oo meesha ka saaraysa fursadihii shaqo ee ciidamada Soomaaliya heli lahaayeen.

Xogta kale ee walaaca abuureysa  ayaa ah in heshiiskaasi ay ansixiyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyagoo aan si dhab ah u arkin qodobbada ku jira, kuwaas oo hadda u soo baxay si dadweynuhu u arko.

Heshiiskan ayaa dhalin kara su’aalo culus oo ku saabsan madax-bannaanida Soomaaliya, ka faa’iideysiga khayraadka dabiiciga ah, iyo sida ay dowladda ugu xilsaaran tahay ilaalinta danaha shacabka.

Waxaa la filayaa in arrintani ay noqon doonto mid xasaasi ah oo laga doodo gudaha iyo dibadda dalka, iyadoo ay jiraan baaqyo isa soo taraya oo dalbanaya in dib loo eego heshiiska, lana helo hufnaan iyo daahfurnaan dhabta ah.

WARARKII KALE

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed oo Qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka

Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji,...

Shirka Golaha guud ee Q.M oo furmay iyo Guterres oo fariin u diray dunida

Waxaa si rasmi ah u furmay shirka Golaha Guud...

RW Xamsa Abdi Barre oo la kulmay Taliyaha Difaaca Cirka Pakistan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre,...

Khilaafka Uganda iyo Turkiga oo lala xiriirinayo mustaqbalka ciidamada Uganda ee Soomaaliya

Warbaahinta fadhigeedu yahay Turkiga ee Middle East Eye (MEE)...

Baydhabo: Xubno looga shakisan yahay qaraxii lala eegtay Taliyaha Booliiska oo la qabtay

Laamaha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa la sheegay inay gacanta...

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galaya shirka Golaha Guud ee QM

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles