Sida ay sheegayaan warbaahinta Kenya Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa sii daayay 5 ka mid ah odayaal dhaqameed iyo guddoomiye Waaxeedyo dhawaan ay ka afduubteen deegaano u dhow degmada Ceelwaaq ee dhanka Kenya.
Xubnahan ayaa sii deyntooda waxaa ka qeyb qaataan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Magaalada Madheere, iyagoo muddo wadaday dadaalo iyo waan-waan lagu sii deyn lahaa dadkaasi.
Ragga la sii daayay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Mohamed Adawa, Mohammed Hassan, Mohammed Noor, Ibrahim Gabow, iyo Abdi Suraw
Odayaashan ayaa marka la afduubayay ka ambabaxay deegaanka Wargaduud, islamarkaana ku sii jeeday degmada Ceelwaaq.
Ma cadda sababta ka dambeysay sii deynta odayaashan iyo talaabooyinka loo maray, maadaama maleeshiyaadka Al-shabaab raga ay afduubteen marar badan ay dhibaateeyaan.
Odayaaashan ayaa dib loogu celiyay deegaanka Wargaduud, oo markii hore ay ka ambabaxeen odayaasha.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa muddo bil ah is ka haysteen odayaashan, waxaana odayaashan la afduubtay hal maalin ka hor inta uusan madaxweynaha Kenya tagin deegaanada Gobolka Waqooyi Bari kenya,