Ammaanka Muqdisho oo la adkeeyay, munaasabadda 1-da Luulyo oo ka socota Daljirka Daahsoon

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo la xiray qaybo ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda, si loo xaqiijiyo amniga munaasabadda lagu xusayo 66 sano-guurada ka soo wareegtay markii Soomaaliya ay xorriyadda ka qaadatay gumeystihii Ingiriiska iyo Talyaaniga, isla markaana ay noqotay Jamhuuriyad madax-bannaan.

Munaasabadda ayaa ka socota Taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ka qeyb galaya madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillo ka socda beesha caalamka, marti sharaf iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu khudbad ka jeediyo munaasabadda, halka Ciidamada Qalabka Sida iyo hay’adaha kale ee dowladda ay soo bandhigi doonaan dhoolla-tus iyo gaadiidka ciidamada, si loo maamuuso munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalintii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad madax-bannaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 28 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Hogaamiyaha hirshabelle oo gudomiyay shir looga hadayay amniga

Hoggaamiyaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa guddoomiyay...

Dowladda Cummaan oo ka digtay dagaal cusub oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan ayaa ka digay in dagaal...

Turkiga oo Soomaaliya u soo diraya laba markab dagaal oo sida sahay iyo agab milatari

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa shaacisay in laba markab oo...

Shuute iyo saraakiil ciidan oo tagay furimaha hore deegaanka Jameeco

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

NISA iyo Booliiska oo Muqdisho ku qabtay nin lagu eedeeyay inuu qorsheynayay fal amni-darro

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles