Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay deegaan ku yaalla xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyadoo dilka lagu sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil.
Alle ha u naxariistee, Axmed Shire Xuseen ayaa la sheegay inuu ku sii jeeday gobolka Hiiraan, kaddib markii uu fasax ka qaatay taliskii Ciidanka Xoogga Dalka ee uu ka tirsanaa.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay jidka ku qabteen Axmed Shire, kadibna ay muuqaal ka duubeen, ka hor inta aysan dilin.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dilka askariga uu la xiriiray aano qabiil, inkastoo aan weli si madax-bannaan loo xaqiijin faahfaahinta ku saabsan cidda ka dambeysay dhacdada iyo sababta gaarka ah ee loo dilay.
Dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli deegaanno ka tirsan xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay mararka qaar ka dhacaan iska horimaadyo iyo falal la xiriira khilaafaad beeleed.


