Axmed Madoobe oo la kulmay wafdi ka socday Q.M

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, Mr. George Conway, iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaas oo u kuurgalaya saamaynta abaarta ka jirta deegaannada Jubaland.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ka badan hal milyan iyo bar (1.5 milyan) oo qof ay si toos ah u saameysay abaartu, halka kumannaan xoolo ahna ay ku dhinteen, taas oo si weyn u wiiqday noloshii dhaqaale ee dadku ku tiirsanaa oo ahayd xoolaha nool. Wuxuu xusay Madaxweynahu in dadka ku barakacay saameynta abaarta ay ilaa hadda helayaan gargaar kooban oo ay wadaan Guddiga Gurmadka Abaaraha Jubaland, oo gaarsiinaya biyo-dhaamin iyo raashin deegaannada ay abaartu sida ba’an u saameysay.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in abaartu ay sii daba dheeraan karto, taas oo halis weyn ku ah nolosha shacabka, haddii aan la helin gurmad degdeg ah iyo kaalmo caalami ah. Wuxuu adkeeyay in ay wakhtigan muhiim tahay taageero degdeg ah, si looga hortago in xaaladdu isu beddesho macaluul, gaar ahaan isagoo xusay in biyaha Iyo cuntadu ay yihiin caqabadda ugu weyn ee haatan taagan.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Bulshada Caalamka, Shacabka Soomaaliyeed iyo qurbajoogta Deegaanka inay ka qeybaataan gurmadka socda si looga hortago in dhibaatadu ay kasii badato inta ay hada joogto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles