Sunday, January 25, 2026

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka Yemen iyo Soomaaliya, isagoo si cad u diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha labada dal.

Go’aankan ayaa lagu ansixiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Baarlamaanka Carabta intii lagu guda jiray furitaanka kalfadhigii labaad ee fadhiga guud ee wareegga labaad, ee cutubka sharci-dejinta afaraad, kaas oo ka dhacay xarunta Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Bayaanka ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo mabda’a ah in aan lagu faragelin arrimaha gudaha dowladaha, isla markaana lagu dadaalo xalal nabadeed oo lagu ilaaliyo madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee dalalka Carabta.

Sidoo kale, Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dowladaha iyo baarlamaannada Carbeed inay muujiyaan midnimo iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taagan yihiin Yemen iyo Soomaaliya, ayna qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida labada dal, isagoo mar kale ku celiyay diidmada buuxda ee faragelin kasta oo shisheeye.

Dhanka kale, tan iyo markii Israa’iil ay muujisay taageerada ku aaddan ictiraafka Somaliland, waxaa isa soo tarayay cadaadisyo xoogan oo ay sameeyeen dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, kuwaas oo xoojiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo ilaaliyo midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Go’aankan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaya mowqif mideysan oo Carbeed oo ku aaddan difaaca danaha Soomaaliya iyo Yemen, isla markaana sare u qaadaya iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee gobolka.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

Trump oo digniin u diray Canada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 100%...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles