Banaanbax ka socda garoonka Aadan Cadde iyo Shaqaalaha Favouri oo shaqo joojin sameeyay

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa saaka wajahaya hakad ku yimid shaqadii caadiga ahayd, kaddib markii shaqaalihii u shaqeynayay shirkadda maamusha garoonka ee Fafoori (Favouri) ay sameeyeen shaqo-joojin iyo dibadbax.

Shaqaalahan oo isugu soo baxay banaanka garoonka ayaa sheegay inaysan jirin wax shaqo ah oo ka socota garoonka, iyagoo cabasho ka muujinaya xuquuq ay sheegeen in si joogto ah loogu tuntay. Arrintan ayaa caqabad weyn ku noqotay isku socodka shacabka Soomaaliyeed iyo habsami u socodka howlaha garoonka.

Shaqaalaha ayaa tilmaamay in cabashadooda ay soo laalaabatay marar badan, balse ay ka xun yihiin in Dowladda Soomaaliya aysan illaa hadda wax tallaabo ah ka qaadin, taasoo ay ku eedeeyeen in ay fursad siisay ajaanib dalka u yimid shaqo inay duudsiiyaan xuquuqdooda.

Dibadbaxan maanta dhacay ma ahan kii ugu horreeyay, maadaama dhowr jeer oo hore ay shaqaalaha garoonka Aadan Cadde sameeyeen gadood iyo shaqo-joojin la xiriirta eedeymo ay u jeedinayaan shirkadda Fafoori, oo ay ku sheegeen in aysan dhowrin xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay shirkadda Fafoori ama hay’adaha Dowladda ee khuseeya arrintan, iyadoo shaqaalaha ay ku adkaysanayaan in aysan shaqada ku laaban doonin ilaa laga xalliyo cabashadooda.

Shaqo-joojintan ayaa imaanaysa xilli garoonka Aadan Cadde uu yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee isku socodka dalka, taasoo walaac ka dhalisay saameynta ay ku yeelan karto safarrada iyo adeegyada duulimaadyada.

WARARKII KALE

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

Maraykanka oo Eritrea ka qaaday Cunaqabateyntii saarneed

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in cunaqabatayntii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles