Wednesday, March 4, 2026

Banaanbaxii Mucaaradka ay maanta ku balansanaayeen oo la baajiyay, kadib dadaalo la sameeyay

Dibadbaxii Madasha Mucaaradka oo maanta ka dhici lahaa Muqdisho ayaa dib loo dhigay, kadib dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay hoggaamiyeen Imaamka, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo guddiyo isugu jiray xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Bannaanbaxa oo lagu waday in lagu qabto saddex goobood oo kala ah Siinaay, Tarabuunka iyo Deyniile, ayaa muddo 9 maalmood ah dib loo riixay, si farsamo ahaan loogu diyaariyo qabsoomiddiisa.

Shir jaraa’id ay wadajir u qabteen guddiga dhexdhexaadinta iyo hoggaanka Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa lagu shaaciyay in mucaaridku aqbaleen baaqa, isla markaana bannaanbaxa la qaban doono maalmaha soo socda, iyadoo dowladda looga fadhiyo sugidda amniga.

Go’aankan ayaa dejiyay walaac ballaaran oo shacabka Muqdisho ka qabay in dibadbaxa maanta la qorsheeyay uu isu beddelo qalalaase hubeysan, maadaama dowladda horey u mamnuucday in lagu qabto dibadbax aan fasax haysan.

Waxaa la isku raacay in bannaanbaxu yahay mid dastuuri ah, balse loo baahan yahay in loo maro hannaan nabadeed oo ay dowladda iyo qaban-qaabiyeyaasha mucaaradku isla qaataan, si bulshada loogu muujiyo dareenkooda iyada oo aan qalqal amni ka dhalan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sida laga soo xigtay u caddeysay guddiga dhexdhexaadinta in ay raalli ka tahay xorriyadda kulamada, bannaanbaxyada iyo cabashooyinka, balse loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo goorta iyo goobta lagu qabanayo, si dowladda ay u xaqiijiso sugidda amniga.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay ku adkaysatay in ay mamnuuc tahay isku soo bixinta ciidan, wadashada gaadiidka dagaalka (tiknikada) iyo hubka culus, arrintaasna waxaa si cad loogu sheegay dhammaan xubnaha madasha.

Lama oga Todobaad kadib sida uu u dhici doono Banaanbaxa iyo talaabada xigta ay qaadi doonto dowladda iyo sida Guddiga dhex dhexaadinta xal ugu heli doonaan haddii ay diido dowladda Soomaaliya in 9 maalmood kadib in la qabto Banaanbaxa.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles