R/Wasaare Xamsa oo la kulmay wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay wafdi sare oo ka socda ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dalka u yimid hirgalinta mashruuc weyn oo lagu taageerayo Manhajka waxbarashada dalka iyo horumarinta Afka Carabiga.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey ururka Jamacadda Carabta, taageeradooda ku aaddan dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.

Xubnaha ka socday ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Mudane Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles