Saturday, January 31, 2026

Bananbax looga soo horjeedo Al Shabaab oo ka dhacay muqdisho

Wasiirro katirsan xukuumadda , guddoomiyaha  gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale ayaa shacabka Soomaaliyeed kala qeybgalay isku soo bax balaaran oo ay ugu soo horjeedaan kooxda Al Shabaab iyo xasuuqii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu geestay xeebta Liido ee Muqdisho.

Kumanaan shacab ah oo watay boorar ay ku xardhan-yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah Al Shabaab ayaa isugu yimid xeebta Liido, kuwaasi shacuurtooda ku muujiyay sida ay ugu soo horjeedaan xasuuqa ay kooxda Khawaarijta la beegsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka ka qeyb galayay dibadbaxa ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo ka dhan ah kooxda Al Shabaab, waxa ayna shacabka muujiyeen dareen ah in ay nacebyihiin kooxda arxanka daran ee Al Shabaab ee usoo jeestay leynta shacabka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo ka hadkay dibadbaxa ayaa sheegay in Al Shabaab yihiin cadawga umadda Soomaaliyeed, waxa uuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Khawaarijta.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkiga oo diyaarado casri ah keenay Muqdisho iyo Qorsho kale

Wargeyska The Middle East Eye ayaa waxaa uu si...

Trump oo u gafay Soomaaliya iyo hanjabaad uu u diray Burcad badeeda

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in...

Mooshinka laga diyaariyay guddoomiye Aadan Madoobe oo la gudbiyay, maxaa lagu haystaa?

Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan...

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka wasiirada dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal ku dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles