Farmaajo oo garab istaag u muujiyay Lafta gareen

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujiyey taageeradiisa ku aaddan mowqifka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), kaas oo uu ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta Dastuurka, midnimada dalka iyo ku dhaqanka hannaanka sharciyeysan ee dowladnimada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, taas oo u baahan wada-tashi qaran, is-afgarad siyaasadeed iyo in si buuxda loo ilaaliyo qawaaniinta iyo heshiisyada lagu dhisay dowladnimada dalka.

Madaxwayne Farmaajo oo carrabka ku adkeeyey muddada kooban ee ka harsan muddo xileedka dowladdan ayaa sheegay in xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada qaranku ay ku imaan karto oo keliya wadahadal furan, ixtiraamka Dastuurka iyo ka fogaanshaha tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo dhaawici karta kalsoonida siyaasadeed iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles