DFS oo war ka soo saartay go’aanka ay KGS xiriirka ugu jartay

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag u cambaaraysay go’aanka maamulka Koonfur Galbeed ee hakinta wada-shaqeyntii kala dhaxaysay dowladda dhexe, iyadoo caddeysay in ay weli gudaneyso waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ka saaran deegaannadaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladaha ka soo cusboonaaday Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka walaacsan tahay caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo saameyn kara xasilloonida.

DFS ayaa xustay in aysan qayb ka ahayn xasillooni darrada ka jirta qaar ka mid ah deegaannada, balse ay wado dadaallo lagu joojinayo colaadaha, laguna xallinayo khilaafaadka wadahadal.

Sidoo kale, dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed in uu sii wado ka qayb ahaanshaha hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Ugu dambeyn, DFS waxay ugu baaqday bulshada, beelaha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed in ay ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga, nabadda iyo badqabka shacabka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles