Saturday, November 15, 2025

Maxaabiis Al Shabaab katirsan oo dil ku xukunnaa oo Xabsi ka baxsaday

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in xalay xabsi kuyaalla magaaladaasi ay ka baxsadeen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in horey loogu riday xukunno dil iyo xabsi daa’in ah.

Sida aan wararka ku helnay 12-nin oo katirsanaa maxaabiis ku xirneed xabsiga saldhigga cirka ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa baxsaday, laamaha ammaanka ayaana ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan 9-kamid ahaa raggii baxsaday.

Waxaana hadda ciidamada baadigoobayaan oo baxsad ku jira saddex nin oo katirsanaa maxaabiistii Al Shabaab ee xabsiga ku xirnaa, lamana soo sheegin ilaa hadda in ciidamada raggaasi xabsiga ka baxsaday ay soo qabteen.

Maxaabiista xabsiga baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah, ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada Gaalkacyo ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed iyo odayaal.

Laamaha amniga ee maamulka Puntland ayaa saakay bilaabay baaritaanno ku saabsan cidda fududaysay baxsashada shakhsiyaadka katirsanaa Al Shabaab ee ku xukuman falalka argagixisada ee ka baxsaday xabsiga saldhiga cirka Gaalkacyo.

Maxaabiis Al Shabaab katirsaneyd ayaa sidan oo kale sannado kahor uga baxsaday xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistan qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo u galay Al Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles