Maxaabiis Al Shabaab katirsan oo dil ku xukunnaa oo Xabsi ka baxsaday

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in xalay xabsi kuyaalla magaaladaasi ay ka baxsadeen xubno katirsanaa kooxda Al Shabaab , kuwaa oo la sheegay in horey loogu riday xukunno dil iyo xabsi daa’in ah.

Sida aan wararka ku helnay 12-nin oo katirsanaa maxaabiis ku xirneed xabsiga saldhigga cirka ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa baxsaday, laamaha ammaanka ayaana ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan 9-kamid ahaa raggii baxsaday.

Waxaana hadda ciidamada baadigoobayaan oo baxsad ku jira saddex nin oo katirsanaa maxaabiistii Al Shabaab ee xabsiga ku xirnaa, lamana soo sheegin ilaa hadda in ciidamada raggaasi xabsiga ka baxsaday ay soo qabteen.

Maxaabiista xabsiga baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada ah, ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada Gaalkacyo ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed iyo odayaal.

Laamaha amniga ee maamulka Puntland ayaa saakay bilaabay baaritaanno ku saabsan cidda fududaysay baxsashada shakhsiyaadka katirsanaa Al Shabaab ee ku xukuman falalka argagixisada ee ka baxsaday xabsiga saldhiga cirka Gaalkacyo.

Maxaabiis Al Shabaab katirsaneyd ayaa sidan oo kale sannado kahor uga baxsaday xabsi kuyaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo, maxaabiistan qaarkood ayaa la toogtay halka kuwa kalana la qabtay, waxaana jiray kuwa kale oo baxsaday oo u galay Al Shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles