Maamulka Jubbaland ayaa maanta maamulka Gobolka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ku wareejiyay nin lagu eedeeyay inuu dilal ka geystay deegaankaas, kaas oo muddo baxsad ahaa.
War ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa lagu sheegay in ninkan laga soo qabtay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, kaddibna maanta lagu wareejiyay mas’uuliyiinta Gobolka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Guddoomiyaha Gobolka Gedo ayaa sheegay in wareejinta ninkan ay timid kaddib dadaallo iskaashi oo ay sameeyeen hay’adaha amniga ee Jubbaland iyo dhinacyada kale ee ka qeyb qaatay soo qabashadiisa.
Maxamed Xuseen Al-Qaadi ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay hawlgalkan, isaga oo xusay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Jubbaland iyo Taliyaha Nabadsugidda degmada Dhoobley.
Wareejintan ayaa muujinaysa wada-shaqeynta dhinacyada amniga ee Jubbaland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, gaar ahaan dadaallada lagu raadraacayo dadka lagu eedeeyo dambiyada culus ee ka baxsada goobihii ay falalka ka geysteen.
Ninkan ayaa hadda lagu wareejiyay maamulka Gobolka Liibaan, si tallaabooyinka sharciga ah ee ku habboon looga qaado.


