Doorashada Mareykanka oo maanta bilaabatay

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaado ah, 3-da Nofeembar 2026, u dareeray goobaha codbixinta, iyadoo dalka Mareykanka ay ka bilaabatay doorashada xilliga dhexe ee loo yaqaanno Midterm Elections.

Doorashadan ayaa lagu tartamayaa dhammaan 435-ka kursi ee Aqalka Wakiillada, 35 kursi oo Aqalka Senate-ka ah iyo guddoomiyeyaasha 36-ka gobol.

Warbaahinta caalamka, ayaa si weyn u tabinaya doorashadan oo lagu go’aaminayo awoodda xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ee labada aqal ee Kongareeska.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa doorashadan wajahaya iyadoo xisbigiisa Jamhuurigu uu doonayo inuu sii haysto aqlabiyadda Kongareeska, halka Dimuqraadigu ay isku dayayaan inay la wareegaan kuraas ku filan oo ay ku helaan aqlabiyad.

Warbixinnada warbaahinta Mareykanka ayaa sheegaya in in ka badan 57 milyan oo qof ay codkooda dhiibteen kahor maalinta doorashada, iyadoo arrimaha dhaqaalaha, sicir-bararka, socdaalka iyo siyaasadda Trump ay ka mid yihiin qodobada ugu waaweyn ee saameynaya codbixiyeyaasha.

Natiijada doorashadan ayaa saameyn weyn ku yeelan karta labada sano ee harsan muddada madaxweyne Trump, gaar ahaan awoodda uu u yeelanayo meelmarinta qorshayaashiisa siyaasadeed.

WARARKII KALE

Jubbaland oo DDS ku wareejisay nin dilal ka geystay Itoobiya oo baxsad ahaa

Maamulka Jubbaland ayaa maanta maamulka Gobolka Liibaan ee Dowlad...

Jaamacadda Carabta oo garab istaagtay Soomaaliya, kana hortimid tallaabada Israa’iil ee Hargeysa

Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah u cambaareysay tallaabada...

Hindiya oo markab burcad-badeeddu qabsadeen ka furtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqday inay howlgal milatari oo...

Golaha Mustaqbalka oo magacaabay saddex xubnood oo wadahadal la furaya DFS

Shirar kala duwan oo uga socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed...

Trump oo labo dal oo Afrika ah ka saaraya heshiiska ganacsi ee Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa aqalka Congress-ka Mareykanka ku...

Wadamada Khaliijka ayaa ka baqaya aargoosiga Iran hadii uu dagaal qarxo

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in hanjabaadaha madaxweyne...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles